RASMI: Laacibkii Arsenal ee Lucas Torreira oo ku biiray Kooxda Atletico Madrid

(Madrid) 06 Okt 2020. Ciyaaryahankii kooxda Arsenal ee Lucas Torreira ayaa heshiis amaah ah ugu biiray naadiga Atletico Madrid ee ka dhisan caasimadda Spain.

Xiddiga xulka qaranka Uruaguay ayaa saftay 89 kulan tan iyo markii uu kaga soo biiray Arsenal kooxda horyaalka Serie A ka dheesha ee Sampdoria fasal ciyaareedkii 2018/19.

Laacibkan khadka dhexe ayaa qeyb ka ahaa kooxdii ku guuleysatay FA Cup-ka, goolkiisiina wuxuu ahaa kulankii ay 4-2 ku adkaadeen kulanka north London derby ee ka dhacay garoonka Emirates Stadium bishii November ee sanadkii 2018, isagoo ahaa mid si weyn u soo muuqday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close