RASMI: Kooxda Man United oo dhammaystirtay saxiixa Edinson Cavani

(Manchester) 06 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dhammaystirtay saxiixa Weeraryahanka qibradda leh ee Edinson Cavani.

Manchester United ayaa Edinson Cavani ku soo qaadatay beeca xorta ah, iyadoo macallin Ole Gunnar Solskjaer uu rumeysan yahay inuu gooldhalin ka caawin doono kooxdiisa.

Xiddiga xulka qaranka Uruguay ayaa Axaddii ka gudbay tijaabada caafimaad ee uu u maray Man United, waxaana uu 33-sano jirkaan qalinka ku duugay heshiis labo sanadood ah oo uu ku sii joogayo Garoonka Old Trafford.

Weeraryahankii hore ee PSG ayaa kooxda Man United ka qaadan doona mushahar dhan £210,000 oo gini isbuuc waliba kaddib marka laga jaro canshuurta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close