RASMI: Daafacii Barcelona ee Todibo oo ka tagay heshiis amaah ahna ugu biiray Kooxda…

(Barcelona) 06 Okt 2020. Daafacii kooxda Barcelona ee Todibo ayaa ka tagay naadiga reer Spain waxaana uu heshiis amaah ah ugu biiray koox kale.

Kooxda Benfica ayaa la xaqiijiyey in daqiiqadihii ugu dambeeyey ee suuqa kala iibsiga xiddigaha oo xalay ku ekaa ay Todibo kula wareegeen heshiis amaah labo xilli ciyaareed ah.

Benfica ayaa bixin doona 2 milyan oo euro oo noqonaya heshiiskan amaahda ah, halka ay qiyaar u haysato inay 20 milyan oo euro ku wada iibsato xiddigan haddii uu anfaco.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close