Paul Merson oo sheegay inay layaab ku noqotay qiimaha ay Arsenal kula soo saxiixatay Thomas Partey

(London) 06 Okt 2020. Halyeeygii hore kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa sheegay inuu layaabay qiimaha ay Gunners kula soo saxiixatay Thomas Partey, kaasoo uu ku tilmaamay inuu hooseeyo marka loo fiiriyo awooda laacibka reer Ghana.

Khadka dhexe reer Ghana ee Thomas Partey ayaa ku soo caga dhigtay garoonka dhaca Waqooyiga Magaalada London ee Emirates kaliya 45 million pounds oo u dhiganta ($ 58.43 million).

Halyeeygan kooxda Gunners ee Paul Merson ayaa dareensan in xiddiga reer Ghana ee Thomas Partey uu heshiis weyn u noqon doono kooxda reer London.

Paul Merson oo u soo ciyaaray kooxda Arsenal intii u dhaxeysay 1985-1997, ayaa u sheegay shabakada “Sky Sports” ee dalka England:

“Isku duubni iyo awood ayuu ku kordhin doonaa shaxda kooxda Arsenal”.

“Waxaan u maleynayaa in Thomas Partey uu yahay tusaale sare”.

“Waxaan gabi ahaanba la yaabay oo aan la yaabay inuu ku wareegay 45 million pounds oo u dhiganta ($ 58.43 million) mana u maleynayo inay lacagtaan badan tahay marka loo eego ciyaaryahan leh awooddiisa”.

Mid ka mid ah waxyaabaha uu kooxda ku soo kordhiyo waxay noqon doontaa anshax”.

“Atletico Madrid waa mid ka mid ah kooxaha ugu anshaxa fiican, qaarada yurub wuuna la imaan doonaa intaas, waxaan u maleynayaa inay noqon doonto heshiis guuleysta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close