Halkee ayay kala marayaan Kooxda Manchester United iyo Jadon Sancho?

(Manchester) 06 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ku guuldarreysatay inay la soo wareegto xalay Jadon Sancho oo muddo dheer la la xiriirinayey.

Man Utd ayaa la soo sheegayaa haatan dib ugu soo laabanayso doonista Jadon Sancho bisha Janaayo, iyadoo Red Devils aysan ka rajo dhigin saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Dortmund.

Wargeyska The Sun ayaa warinaya haatan in Manchester United ay suuqa bisha Janaayo dib ugu laaban doonto Kooxda Borussia Dortmund, iyadoo doonaysa inay ka hesho Jadon Sancho.

Xiddiga xulka qaranka England ayaa weli doonaya inuu u dhaqaaqo garoonka Old Trafford, kooxda Red Devils lagu naynaaso ayaana isku diyaarinaysa inay wada-xaajood la furato naadiga BVB sanadka cusub.

Man United ayaa diiday inay Dortmund siiso lacag dhan 120 milyan oo euro oo u dhiganta 109 milyan oo gini ama 141 milyan oo dollar oo ay ku qiimeysay Sancho suuqii xagaaga, iyadoo ay jirto hubanti la’aan dhaqaale ee uu sababay Korona Fayras.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close