RASMI: Laacibkii khadka dhexe ee Arsenal, Matteo Guendouzi oo ku biiray Kooxda Hertha Berlin… + SAWIRRO

(London) 05 Okt 2020. Laacibkii khadka dhexe ee kooxda Arsenal, Matteo Guendouzi ayaa heshiis amaah ah ugu biiray naadiga Hertha Berlin.

Matteo Guendouzi ayaa ka tagay Gunners, waxaana uu heshiis inta ka harsan xilli ciyaareedka kula joogi doonaa kooxda ka dheesha horyaalka Bundesliga ee Hertha Berlin.

21-sano jirkaan reer France ayaan u ciyaari Arsenal tan iyo guuldarradii 2-1 ee ka soo gaartay Brighton bishii June, kaddib markii uu kulankaas qalalaaso ku sameeyey ciyaaryahan Neal Maupay, isla markaana uu ugu faanay mushaharka ay qaataan xiddigaha Gunners.

Waxa ay Arsenal kala soo wareegtay Lorient sanadkii 2018, waxaana uu u saftay kooxda ka dhisan waqooyiga Magaalada London 82 kulan, laakiin hal kulanna uma ciyaarin Gunners xilli ciyaareedkan.

Guendouzi ayaana kooxdiisa cusub ee Hertha Berlin u xiran doona lambarka 8-aad.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close