RASMI: Kooxda Bayern Munich oo dib ula saxiixatay xiddigeedii hore ee Douglas Costa, kaasoo ay kala soo wareegeen Juventus

(Munich) 05 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa dib ula soo saxiixatay xiddigeedii hore ee Douglas Costa, kaasoo ay maanta kala soo wareegeen Juventus.

Bayern Munich ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday la soo wareegeen ciyaaryahankoodii hore ee Douglas Costa oo ay qaab amaah ah uga soo qaateen Juventus.

Douglas Costa ayaa hal xilli ciyaareed oo amaah ah ku joogi doona garoonka Allianz Arena.

Waqtigii dahabiga ahaa ee uu ku soo qaatay Bayern Munich waxa uu kula guuleystay kooxdaas labo horyaalka Bundesliga Jarmalka ah, waxaana uu u dhaliyey 12 gool isagoo u sameeyey 18 caawin kaddib 70 kulan oo uu u saftay.

Costa ayaa markii uu ku biiray maanta kooxda Bayern Munich yiri: “Aad ayaa ugu faraxsanahay inaan awood inaan markale u ciyaaro kooxda Bayern, waqti wacan ayaan kusoo qaatay Munich oo guulo badan leh, waana hubaa inaan markale koobab ku guuleysan doono”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close