NAXDIN: Jurgen Klopp oo shaaca ka qaaday mudada uu maqnaanayo Alisson Becker

(Liverpool) 05 Okt 2020.Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday mudada la filayo inuu ka maqnaado goolhayaha reer Brazil ee Alisson Becker, kaddib markii uu soo gaaray dhaawac walaac leh Axadii.

Aston Villa ayaa guul ay u qalantay kaga qaadatay kooxda Liverpool garoonkeeda Villa Park, kaddib markii ay kaga adkaatay 7-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Kaddib markii ay ciyaarta dhamaatay Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuuna ka hadlay dhaawaca Alisson Becker, wuxuuna yiri:

“Qof walba wuxuu dhaleeceenayaa Adrian, waan ogahay taas, gaar ahaan goolka koowaad, laakiin anaga ka koox ahaan si fiican uma caawinin isaga daafac ahaan iyo qaabka loo ciyaaro”.

“Adrian waa goolhaye aad u wanaagsan, Isagu kaliya dhibkeenu muu ahayn, qof kastaa oo kooxda ah wuxuu sameeyay khaladaad masiibo ah, dareenkeena kaddib goolka koowaad, wuxuu ahaa musiibadii ugu weyneyd ee dhacday”.

Intaas kaddib Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhaawaca Alisson Becker, wuxuuna yiri:

“Ma haysto fursad uu ku ciyaaro kulanka Everton, taariikhda uu soo laabanayo lama garanayo, mana u sameynin wax jadwal ah isaga”,

“Laga yaabee inuu maqnaado 6 toddobaad, ma naqaano, laakiin waxa hubaal ah inuusan ciyaari doonin kulanka Merseyside derby”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close