Kooxaha Barcelona iyo Sevilla oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Camp Nou… +SAWIRRO

(Spain) 04 Okt 2020. Kooxaha Barcelona iyo Sevilla ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Camp Nou, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Barcelona iyo Sevilla.

Daqiiqadii 8-aad kooxda martida aheyd ee Sevilla ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Luuk de Jong.

Laakiin daqiiqadii 10-aad Barcelona ayaa dhalisay goolka barbardhaca, kaddib markii uu dheesha ka dhigay 1-1 xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Barcelona iyo Sevilla. Xilli kulankan uu qeyb ka ahaa kulamada horyaalka La Liga ee Isbuucaan.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close