Kooxda Juventus oo ay ka go’an tahay inay la wareegto Federico Chiesa saacadaha yar ee suuqa kala iibsiga ka haray

(Manchester) 03 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa inay go’aansatay inay heshiis ka gaarto saxiixa Federico Chiesa.

Warsidaha Calcio Mercato ayaa warinaya in Juventus ay ka go’an tahay inay heshiis la gaarto kooxda Fiorentina iyadoo doonaysa inay kala soo wareegto laacibka garabka uga ciyaara ee Federico Chiesa.

La Viola ayaa u ogolaan doonta inuu 22-sano jirkaani tago haddii Bianconeri ay miiska u saarto Adduun dhan 60 milyan oo euro oo u dhiganta 54 milyan oo gini ama 70 milyan oo dollar.

Waxaan meesha laga saari karin in suuqa kala iibsiga xiddigaha uu ku eg yahay maalinta Isniinta ah, ka hor ayaana laga doonayaa kooxda Marwada duqda ah inay lacagtaas miiska saarto haddii ay doonayso inay qaadato Chiesa.

Chiesa ayaa dhaliyey hal gool saddexdiisii kulan ee ugu horreysay oo uu u saftay Kooxda Fiorentina xilli ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close