Chelsea oo guul raaxo leh ka gaartay kooxda Crystal Palace oo marti ugu aheyd Stamford Bridge … +SAWIRRO

(London) 03 Okt 2020. Chelsea oo guul raaxo leh ka gaartay kooxda Crystal Palace oo marti ugu aheyd Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Crystal Palace ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 50-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Ben Chilwell.

66 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay Chelsea ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee ciyaarta, waxaana 2-0 ka dhigay Kurt Zouma, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ben Chilwell.

Daqiiqadii 78-aad kooxda Chelsea ayaa loo dhigay rigoore, waxaana gool u badelay Jorginho, ciyaarta ayaana waxay sidaas ku noqotay 3-0 ay ku hoggaamineysay Blues.

Markale daqiiqadii 82-aad Chelsea ayaa loo dhigay rigoore, waxaana gool u badelay Jorginho, ciyaarta ayaana waxay sidaas ku noqotay 4-0 ay ku hoggaamineysay Blues.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 4-0 ay Chelsea kaga adkaatay kooxda Crystal Palace oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge, Blues ayaana afar kulan ay ilaa iyo hadda ciyaartay aruursatay 7 dhibcood.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close