RASMI: Real Madrid oo si rasmi ah ugu dhawaaqday dhaawaca mid ka mid ah xiddigaheeda

(Madrid) 02 Okt 2020. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay dhaawaca daafaceeda midig ee reer Spain ee Dani Carvajal.

Dani Carvajal ayaa ku dhaawacmay tababarkii saakay ay sameysay kooxda kubadda cagta Real Madrid, kaasoo ay ugu diyaar garoobeyso kulankeeda soo aadan ee horyaalka La Liga ay booqan doonaan Levante.

Real Madrid ayaa bayaan rasmi ah ay ku shaacisay website-keeda, iyo sidoo kale boggageeda rasmiga ah ee baraha bulshada sida Facebook, Twitter iyo Instagram, waxay ku xaqiijisay dhaawaca daafaceeda Dani Carvajal.

Real Madrid: Dani Carvajal hamstring injury confirmed - AS.com

Real Madrid ayaa bayaankeeda rasmiga ah waxay ku xaqiijisay in Dani Carvajal uu dhaawac ka soo gaaray jilibka lugtiisa midig, intii lagu guda jiray tababarkii maanta ee Jimcaha.

Naadiga Real Madrid kuma aysan xusin bayaankeeda wax faahfaahin ah oo ku saabsan dhaawaca Dani Carvajal, gaar ahaan mudada uu ka maqnaanayo garoomada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close