RASMI: Liiska xiddigaha xulka qaranka Spain uga qeyb galaya kulammada soo aaddan oo la shaaciyey… (Yaa ka maqan yaase ku soo baxay?)

(Spain) 02 Okt 2020. Tababare Luis Enrique ayaa maanta ku dhawaaqay liiskiisa ugu dambeeya ee xulka qaranka Spain kaga qeyb galaya kulamada caalamiga ah ee soo socda.

Kulan saaxiibtinnimo ayay la dhelei doonaan xulka qaranka Portugal 7-da bishan October, kaasoo ka dhici doono magaalada Lisbon.

Kaddibna waxaa u raaci doona labo kulan kale ay ka ciyaari doonaan tartanka UEFA Nations League, xulka qaranka Switzerland ay wajihi doonaan 10-ka bishan October, halka Ukraine ay la ciyaari doonaan 13-ka isla bishan.

Dani Ceballos ayaa wuxuu ku soo laabtay liiska xulk qaranka Spain, kaddib bandhigii wacnaa uu ka sameeyay kooxda uu amaahda ku joogo ee Arsenal.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha xulka qaranka Spain uga qeyb galaya kulammada oo aaddan:-

Goolhaayayaash: David De Gea, Kepa Arrizabalaga, Unai Simon.

Daafayada: Jesus Navas, Dani Carvajal, Sergio Ramos, Pau Torres, Eric García, Diego Llorente, Jose Luis Gaya iyo Sergio Reguilon.

Khadka dhexe: Sergio Busquets, Rodrigo Hernandez, Mikel Merino, Fabian Ruiz, Ceballos, Canales, Campana.

Weerarka: Rodrigo Moreno, Ansu Fati, Ferran Torres, Dani Olmo, Adama Traore, Mikel Oyarzabal, Gerard Moreno.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close