RASMI: Robert Lewandowski oo ku guuleystay abaal-marinta Weeraryahanka xilli ciyaareedka ee Champions League

(Geneva) 01 Okt 2020. Munaasadda isku aadka heerka guruubyada Champions league ayaa socota, iyadoo sidoo kale xafladdaan lagu bixinayo abaal-marinno kala duwan.

Hadda waxaa la bixiyey abaal-marinta Weeraryahanka xilli ciyaareedka ee Champions League, waxaana loo magacaabay oo ku guuleystay Weeraryahanka Kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski.

Xiddigan xulka qaranka Poland ee Robert Lewandowski ayaa abaal-marintan weeraryahanka xilli ciyaareedka ku garaacay labada dhaliye ee la tartamayey xiddigaha ka wada tirsan Kooxda PSG ee kala ah Neymar Jr iyo Kylian Mbappé.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close