DEG DEG: Isku aadka heerka guruubyada Champions League 2020/21 oo la sameeyey… (Barcelona vs Juventus – Messi & CR7 oo is-wajahaya)

(Geneva) 01 Okt 2020. Waxaa goordhow soo gabagaboobay isku aadka heerka guruubyada Champions League oo caawa lagu sameeyey Waddanka Switzerland.

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa waxa ay guruub la gashay Juventus, taasoo ka dhigan in Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay isku arki doonaan tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa Guruub E la gashay Sevilla, halka Liverpool iyo Ajax ay ku wada jiraan Guruub D.

Man City ayaa dhankeeda Guruub C la gashay kooxaha FC Porto, Marseille iyo Olympiacos.

Real Madrid ayaa Inter Milan kula jirta Guruub B, halka Guruub A ay wada galeen kooxda koobka Champions League haysata ee Bayern Munich iyo naadiga reer Spain ee Atletico Madrid.

Kulamada wareega group-yada waxaa la ciyaari doonaa October 20/21, October 27/28 , 3/4 November, 24/25 November, December 1/2 iyo 8/9 December.

Isku aadka oo dhammaystiran halkaa hoose ka eeg:-

Group A: Bayern Munich, Atletico Madrid, FC Salzburg, Lokomotiv Moscow

Group B: Real Madrid, Shakhtar Donetsk, Inter Milan, Borussia Monchengladbach

Group C: Porto, Man City, Oympiacos, Marseille

Group D: Liverpool, Ajax, Atalanta, FC Midtjylland

Group E: Sevilla, Chelsea, Krasnodar, Stade Rennais

Group F: Zenit, Borussia Dortmund, Lazio, Club Brugge

Group G: Juventus, Barcelona, Dynamo Kiev, Ferencvaros

Group H: PSG, Man Utd, RB Leipzig, Istanbul Basaksehir

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close