Wakiilka Donny van de Beek oo ka careysan doorkiisa kooxda Manchester United

(Manchester) 30 Sebt 2020. Sjaak Swart oo ah wakiilka Donny van de Beek, ayaa muujiyay sida uusan ugu qanacsaneyn, in Manchester United aysan ku tiirsaneyn xiddigooda cusub ee reer Holland.

Sjaak Swart ayaa ka hadlay Donny van de Beek uu ku soo galay qaab badel ah ciyaartii kooxdiisa ay la ciyaartay Brighton, kaasoo ay Red Devils ku adkaatay 3-2.

Wakiilka Donny van de Beek ayaana carabka ku adkeeyay in Manchester United ay u qalantay in looga adkaado 7-1.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Sjaak Swart oo ah wakiilka Donny van de Beek, wuxuun yiri:

“Bedel ahaan, waligey ma jecleysan taas, bedelka afarta daqiiqo kahor dhamaadka, waxaa ka fiican inaad ii ogolaato inaan fadhiisto”.

“Waa inaan sheegaa wuxuu sameeyay waxyaabo cajiib ah, madaama rigooradii guusha siisay kooxda uu isagu sabab u ahaa”.

“Laakiin waxay ahayd in looga badiyo 7-1, waxay kubadda garaacday birta 5 jeer, Brighton waxay heysataa koox weyn, laakiin waa in sidaas ayna ku dhicin kooxda Man United”.

Si kastaba ha ahaatee, Donny van de Beek ayaa ka qayb qaatay seddex kulan oo uu la ciyaaray kooxda Man United tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan labo horyaalka Premier League ah oo uu qaab badel ah ku yimid, wuxuuna si buuxda u ciyaaray kulankii Carabao Cup ay la ciyaareen naadiga Luton Town.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close