Ronald Koeman oo shaaciyey liiska xiddigaha uu ula safrayo kulanka Celta Vigo… (Yaa shaxda ku soo laabtay, yaase maqan?)

(Barcelona) 30 Sebt 2020. Tababare Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigihiisa 23-ka ka kooban ee uu ula safri doono kooxda Celta Vigo habeen dambe kulan qeyb ka ah horyaalka La Liga.

Martin Braithwaite ayaa dib ugu soo laabtay liiska kaddib markii uu dhaawac ku seegay kulankii Villarreal, halka Junior Firpo uu isaguna dhaawac ku seegay liiskan.

Sidoo kale wali waxaa ku jira xaaladda caafimaadka oo liiskan ka maqan goolhaye Marc-Andre ter Stegen iyo daafaca kooxda ee Samuel Umtiti.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha ay Barcelona ula safri doonto kulanka Vigo oo dhammaystiran:-

Neto, Inaki Pena, Arnau Tenas, Gerard Pique, Sergio Busquets, Puig, Carles Alena, Antoine Griezmann, Miralem Pjanic, Lionel Messi, Ousmane Dembele, Philippe Coutinho, Clement Lenglet, Pedri, Trincao, Jordi Alba, Martin Braithwaite, Sergi Roberto, Frenkie de Jong, Ansu Fati, Konrad de la Fuente, Ronald Araujo iyo Mingo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close