Real Madrid oo si dirqi ah saddexda dhibcood kaga heshay kooxd Real Valladolid… +SAWIRRO

(Madrid) 30 Sebt 2020Real Madrid ayaa si dirqi ah saddexda dhibcood kaga heshay kooxd Real Valladolid oo marti ugu aheyd garoonkeeda Alfredo Di Stefano, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca afaraad horyaalka La Liga kal ciyaareedkan 2020/21.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxay labada kooxood Real Madrid iyo Real Valladolid ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 65-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay da’ayarka reer Brazil ee Vinicius Junior.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Real Valladolid oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close