RASMI: Kooxda Aston Villa oo la saxiixatay xiddig ka tirsan Chelsea… + SAWIRRO

(London) 30 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Aston Villa ayaa ku dhawaaqday inay la wareegtay mid ka mid ah xiddigaha Chelsea.

Waxa ay Aston Villa xaqiijiyey inay hal xilli ciyaareed oo amaah ah kula wareegtay ciyaaryahanka naadiga Chelsea ee Ross Barkley.

26-sano jirkaan xulka qaranka England, kaasoo dalkiisa u saftay 33 kulan ayaa 52 kulan u ciyaartay kooxda Chelsea kulamadaas oo ay ku jiraan Premier League iyo Champions League, tan iyo markii uu garoonka Stamford Bridge u soo dhaqaaqay bishii Janaayo ee sanadkii 2018.

Barkley ayaa ka dhex muuqday kooxdii ugu horreysay ee Everton isagoo 17 jir ah kaddib markii uu ka soo baxay akadeemiyadooda dhallinyarada, waxaana uu sii waday inuu dhaliyo 27 gool markii xiddigan khadka dhexe uu 179 kulan uu u saftay kooxda Toffees.

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close