Taageerayaasha Liverpool oo helay war naxdin leh ee ku saabsan Thiago Alcantara

(Liverpool) 29 Sebt 2020. Liverpool oo uu hoggaaminayo macalinkeeda reer Jarmal ee Jurgen Klopp, ayaa guul weyn oo muhiim ah ka gaartay xalay naadiga ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield saddexda dhibcood kaga qaadatay naadiga Arsenal, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca saddexaad ee horyaalka Premier League.

Laakiin xiddiga reer Spain ee Thiago Alcantara oo Isbuucii hore Liverpool kaga soo biiray kooxda Bayern Munich, ayaa seegay ciyaartii xalay ee Arsenal, sababo la xiriira dhibaatooyin jir ahaaneed, sida lagu sheegay war rasmi ah ee ka soo baxay kooxda Liverpool.

Jurgen Klopp ayaa shalay sharaxaad uu ka bixiyay dhibaatada jireed ee Thiago Alcantara iyo inuu ka maqnaanayo kulankii xalay ee Arsenal, ayaa wuxuu filayaa in ciyaaryahanka uusan soo laaban doonin kahor kulamada caalamiga ah ee soo socda.

Jurgen Klopp ayaa tilmaamay in Thiago Alcantara uu soo laaban doono ciyaarta Merseyside derby ee dhex mari doono kooxaha Liverpool iyo Everton, taasoo la ciyaari doono bisha soo aadan ee October 17-keeda,

Waxay ka dhigan tahay in Thiago uu maqnaanayo kulanka Carabao Cup oo ay Khamiista soo dhawyn doonaan Arsenal, iyo kulanka horyaalka Premier League oo ay booqanayaa Aston Villa ee Axada dambe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close