RASMI: Kooxda Real Madrid oo shaacisay Liiska xiddigaha ay kaga qeyb galayso kulanka Real Valladolid… (Miyey u soo laabteen Hazard iyo Asensio?)

(Madrid) 29 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku dhawaaqday liiska xiddigaha uga qeyb galaya kulanka habeen dambe ay ka horjeedaan Real Valladolid, waxaana dib ugu soo laabtay xiddigo muhiim ah.

Los Blancos 23-ka xiddig ee ay ku dhawaaqday oo ay ku shir tagi doonto kulanka horyaalka La Liga ee ay habeen dambe garoonkeea ku soo dhoweyn doonto Real Valladolid, waxaa ka soo muuqday oo dib ugu soo laabtay Eden Hazard, Marco Asensio iyo Lucas Vazquez.

Waa markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan oo saddexdaan ciyaaryahan ay ku jiraan liiska shaxda tababare Zinedine Zidane, waxaana ay seegeen labadii kulan ee kal ciyaareedkan oo ay Real Madrid booqatay Real Sociedad iyo Real Betis.

Sidii la filayay, Eder Militao ayaan soo kabanin kumana jiro liiskan, halka Toni Kroos uu dhaawac ku seegay, Mariano Diaz ayaa dhankiisa wali ka soo kabanaya qalliin qumanka looga sameeyay.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 23-ka ciyaaryahan ee kooxda Real Madrid ay kala qeyb galayso kulanka habeen dambe ee Real Valladolid:-

Goolhayeyaasha: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Daafacyada: Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy.

Khadka dhexe: Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Martin Odegaard, Isco.

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Borja Mayoral, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Vinicius Junior, Rodrygo Goes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close