Kooxda Manchester United oo bilowday wadahadallo ay ku doonayso saxiixa Alex Telles

(Manchester) 29 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay bilowday wadahadallo ay ku doonayso ciyaaryahan Alex Telles oo ay rabto inay kula soo wareegto.

Red Devils ayaa bilowday inay ka hadasho heshiis 18 milyan oo gini ku kacaya oo ay ku doonayso inay kula saxiixato Daafacan Alex Telles.

Warsidaha BBC Sport ayaa warinaya in kooxda Manchester United ay wahadallo la furtay FC Porto kuwaasoo ay ku doonayso inay kaga qaadato Alex Telles.

Kooxda Red Devils ayaa bartilmaameedkeeda sare ka dhiganaysay daafacan 27-sano jirka ah, waxaana ay hadda bilaabeen inay kala hadlaan Porto heshiis ku kacaya 18 milyan oo gini oo u dhiganta 23 milyan oo dollar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close