Kooxda Lyon oo wakhti kama dambeys ah siisay Barcelona haddii ay doonayso inay la saxiixato Memphis Depay

(Barcelona) 29 Sebt 2020. Madaxweynaha kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa xaqiijiyay in Barcelona ay heysato maalmo kooban oo ay ku dhameystiri karto heshiiska Memphis Depay.

Memphis Depay ayaa ah bartilmaameedka ugu horeeya ee kooxda Barcelona inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, kaasoo la soo xiri doono 5-ta bisha soo socota ee October, ee ku beegan Isniinta soo socota.

Haddaba wargeyska “Marca” ayaa wuxuu shaaca ka aaday wareysi uu bixiyay Madaxweynaha kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas, wuxuuna yiri:

“Laga bilaabo jimcaha, ciyaartooyda aan horey u bixin kama tagi doonaan kooxda”.

“Anaga ahaan, Jimcaha, waxay noqon doontaa waqtiga ugu dambeeya ee lagula saxiixan karo ciyaartoyda”.

“Waxaan dib u eegi doonaa taas maanta oo talaada ah anaga, tababaraha iyo agaasimaha ciyaaraha, weyna ku filan tahay”.

Tabaraha reer Holland ee kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa rajenaya in dadaalka ay ugu jiraan heshiiska Memphis Depay ay ku guuleysan doonaan, si ay u helaan adeegiisa, si uu ugu noqdo badelka Luis Suarez oo ku biiray kooxda Atletico Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close