Kooxda Juventus oo ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa bartilmaameedka Arsenal ee Houssem Aouar

(Turin) 29 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa inay ku doo biirtay tartankii loogu jiray saxiixa bartilmaameedka naadiga Arsenal ee Houssem Aouar.

Gunners ayaa haatan wajahaysa tartan adag oo ku aaddan bartilmaameedkeeda sare ee Houssem Aouar, maadaama kooxda haysata horyaalka Serie A ay dhankeeda ka doonayso saxiixiisa oo ay ku soo biirtay tartanka.

Warsidaha RAC Sport ayaa warinaya in Juventus ay haatan ku soo biirtay tartanka loogu jiro kubbad sameeyaha kooxda Lyon ee Houssem Aouar.

Arsenal ayaa hoggaanka u haysay raacadada loogu jiro saxiixa Houssem Aouar, laakiin kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A ayaa soo gashay tartanka, waxaana ay wax ka weydiinaysaa Lyon qiimaha ay ku heli karto Houssem Aouar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close