Barcelona oo dooneysa inay iska iibiso saddex ciyaaryahan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee xagaaga

(Barcelona) 29 Sebt 2020. Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Barcelona ay dooneyso inay iska iibiso qaar ka mid ah xiddigaheeda ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee xagaaga 5-ta bisha soo socota ee October, waxaana jira xiddigo u sharaxan inay baxaan, kuwaasoo aan si cad magacyadooda loo shaacinin.

Barcelona ayaa wajaheysa dhibaato dhaqaale oo la xariirta cudurka faafa ee Korona, maadaama kooxda ay waayi doonto 30% dakhligeeda caadiga ah xilli ciyaareedkan, sidaas darteedna qorshaha maamulka ayaa ah in la dhimo mushaarka ciyaartoyda inta ugu macquulsan.

Barcelona ayaa hadda iska fasaxday ciyaartoy qaar ee ka qaadan jiray mushaar weyn, waxaana ilaa iyo haatan la iibiyay dhammaan Ivan Rakitic, Arturo Vidal, Luis Suarez iyo Nelson Semedo, welina kooxdu waxay dooneysaa inay ka takhalusto seddex ciyaaryahan oo kale ugu yaraan.

Wargeyska ayaa wuxuu ku sheegay warbixintiisa in Ronald Koeman uu si cad uga hadlay magacyada uu doonayo inuu ku tiirsanaado xilli ciyaareedka haatan socda iyo magacyada uu doonayo inuu kooxda ka diro, qaab amaah ahaan ama si toos ah uu u iibiyo.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in tababare Ronald Koeman uu doonayo qaab amaah ahaan uu ku fasaxo ciyaaryahanka da’ada yar ee Riqui Puig, ama inuu la joogo kooxda labaad si uu u ciyaaro kulamo badan, isla sidaas oo kale waxaa la mid ah Carles Aleñá, mana dooneyso Barca inay si toos ah u iibiso labadan xiddig.

Samuel Umtiti ayaa loo arkaa inuu yahay xiddiga ugu cad cad oo ay si weyn u dooneyso kooxda Barcelona inay iska iibiso gabi ahaanba, sababa la xiriira dhibaato weyn uu ka qabo dhanka Jilibka, taasoo ka dhigtay kooxaha qaar inay ka labalabeyaan heshiiskiisa, mushaarkiisa qaaliga ah ee uu ka qaato Barcelona ayaana si weyn u sii adkeenaya xaalada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close