RASMI: Xiddig ka tirsan Liverpool oo ku biiray koox ka dhisan Waddanka Jarmalka

(Liverpool) 28 Sebt 2020. Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la shaaciyey inuu si rasmi ah uga mid noqday naadi ka dhisan Dalka Jarmalka.

Goolhayaha reer Jarmal ee Loris Karius ayaa dalab rasmi ah ka helay kooxda Unio Berlin, waxaana uu ka gudbay tijaabada caafimaad ee uu ku maray magaalada Berlin ee Waddanka Jarmalka.

Karius oo labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyey ku maqnaa kooxda reer Turki ee Besiktas oo uu amaah ugu ciyaaray ayaa markii uu ku soo laabtay Anfield, waxaa u caddaatay inaan laga doonayn inuu sii joogo Liverpool, waxaanu u dhaqaaqay dalkiisa hooyo oo uu kaga biiray kooxda Unio Berlin.

Loris Karius ayaa gaaray waddanka Jarmalka xalay fiidkii, waxaana markii uu ka gudbay baaritaankii caafimaad ee la marsiiyey uu qalinka ku duugay heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah oo uu ugu ciyaari doono naadiga Unio Berlin.

Kooxda Liverpool oo xaqiijisay heshiiskan ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay: “Loris Karius ayaa dhammaystiray heshiis amaah ah oo uu ugu biiray FC Union Berlin, waxaana heshiiskan uu socon doona inta lagu guda jiro 2020-21.

“Wanaag oo dhan ayaan kuu rajaynaynaa inta ka harsan xilli ciyaareedka”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close