“Waxaan ku soconaa wadada saxda ah si aan u difaacano Premier League” Xiddig ka tirsan Liverpool

(Liverpool) 27 Sebt 2020. Xiddig ka tirsan Liverpool ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo awoodda kooxdiisa ay u leedahay inay difaacdo horyaalka Premier League.

Alisson Becker ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in kooxdiisa Liverpool ay ku socoto dhabbihii saxda ahaa ay ku difaacan laheyd koobka horyaalka Premier League.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay goolhaayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Tani waa wax aanan dooneyn, laakiin waan ogayn inay tahay inaan ku laabano wadadeena hadii aan dooneyno in xilli ciyaareedkan aan ku tartano koobka”.

“Sababtoo ah waxaan u maleynayaa in qaab ciyaareedkeena xilli ciyaareedkan uu aad u sarreeyo”.

“Waxaan u maleynayaa, waxaan mar kale ku soconnaa wadada saxda ah”.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda uu hoggaamiyo Jurgen Klopp ayaa fasalkii lasoo dhaafay hanatay horyaalka Ingiriiska oo ay sugayeen muddo 30 sano ah, waxaana ay ku qaadeen farqi dhibco oo gaaraya 18 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close