Leicester City oo guul ay u qalantay kaga soo gaartay Man City garoonkeeda Etihad… +SAWIRRO

(England) 27 Sebt 2020. Leicester City oo guul ay u qalantay kaga soo heshay kooxda Manchester City garoonka Etihad, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-5, xilli Leicester ay guul gaartay kulankeeda saddexaad ee xiriir ah horyaalka Premier League, kal ciyaareedkan 2020/21.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Manchester City iyo Leicester City.

Daqiiqadii 4-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Riyad Mahrez.

34 daqiiqo marka ay ceyaarta aheyd kooxda Leicester City ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Jamie Vardy, dheesha ayaana sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 54-aad Leicester City ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay Jamie Vardy, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Timothy Castagne.

58 daqiiqo marka ay dheeshu aheyd Jamie Vardy ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta, wuxuuna ka dhigay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Leicester City.

Daqiiqadii 77-aad James Maddison ayaa hoggaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Leicester City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-4, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Nampalys Mendy.

Laakiin daqiiqadii 84-aad Manchester City ayaa la timid goolkeeda labaad ee ciyaarta kaddib markii uu ka dhigay Nathan Ake, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Riyad Mahrez.

88 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay Youri Tielemans ayaa soo xiray bandhiga goolasha ee kulankan, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-5 kaddib markii uu gool u badelay rigoore loo dhigay kooxda Leicester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-5 ay ku soo adkaatay kooxda Leicester City oo ku booqatay Manchester City garoonka Etihad. Leicester ayaana guul gaartay kulankeeda saddexaad ee xiriir ah horyaalka Premier League, kal ciyaareedkan 2020/21.

SAWIRRO:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close