Koox ka dhisan Premier League oo iska iibisay Laacibkii ugu TAAJIRSANAA ebid kubbadda cagta… (Aqriso Sheekadan)

(England) 27 Sebt 2020. Markaad ka fikirto laacibka ugu TAAJIRSAN kubbada adduunka waxaa durba kugu soo dhacaya sida Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Neymar, balse sidaas maaha sheekadu oo xiddiga ugu hodansan waa 22-jir ka tirsanaa kooxda keydleyda ee Leicester City, balse ugu dambeyn ka tagay kooxdaas.

Kooxda Premier League ka dhisan ee Leicester City ayaa iska iibisay Faiq Bolkiah, iyadoo wiilka reer boqor uu ku biiray kooxda ka dheesha horyaalka Primeira Liga Boortaqiiska ee CS Maritimo.

Bal la kulan Faiq Bolkiah, wiilka uu Adeerka u yahay Suldaanka Brunei ee Hassanal Bolkiah, kaa oo qiimihiisa lagu qiyaasay adduun dhan 20 Bilyan oo Doolar, yay kaa hoos bixin sheekadu waa ka gudubtay Milyan oo Bilyan ayay joogtay.

Xiddiga garabka kaga ciyaara ee Foxes ayaa waqti ka ciyaarayay carada Ingiriiska, isagoo waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay AFC Newbury.

e

2009-kii, Southampton ayaa Faiq Bolkiah ku soo dartay Akaadamiyadeeda, inkastoo aysan heshiis u gacan galin, Arsenal ayaa iyana 2013-kii u soo bandhigtay Tijaabo.

Bolkiah ayaa 2013-kii Gunners kula tartamay Lion City Cup, xitaa Gool ayuu ka dhaliyay tartankan.

Kaddib markii xaaladdiisa laga war helay, Chelsea ayaa xiddiga garabka ka duula u bandhigtay heshiis labo sano ah oo uu isla markiiba qallinka ku duugay.

e1

Laakiin hal sano uun kaddib Bolkiah ayaa ka soo tagay Blues si uu ugu biiro Leicester heshiis saddex sano ah.

Inkastoo uu ku dhashay Los Angeles ee cariga Mareykanka, Bolkiah ayaa doortay inuu u ciyaaro dalkiisa Brunei, wuxuuna xulkiisa matalay sagaal kulan, isagoona hal gool u dhaliyay.

e2

Si Fikrad aan kaaga siinno Hantida Bolkiah waxaad u baahan tahay inaad fiiriso Aabihii Fejri.

Ninka la dhashay Suldaanka dalka Brunei ayaa la warinayaa in 15-sano gudahood uu ku qarash gareeyay adduun dhan 15- Bilyan oo bound markaa uu ahaa madaxa wakaaladda Maal-galinta Brunei

Bolkiah Aabihii Jefri ayaa sidoo kale 35 milyan bil gudaheed ku qarash gareeyay Baabuur, Saacado iyo Qalimaanta Dahabka ee cad cad.

Duqa dhalay wiilka garabka kaga ciyaari jiray kooxda Leicester City ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu leeyahay 2,300 oo Baabuuro oo ay ka mid yihiin kuwa ugu qaalisan adduunka sida Bentleys, Ferraris iyo Rolls-Royces.

Laakiin tan ugu cajiibsan ayaa ah, markii uu Jefri u dabaal degayay dhalashadiisa 50-jirka, Wuxuu u yeertay Fannaankii caanka ahaa ee geeriyooday Michael Jackson si uu u shido xafladiisa Dhalashada.

Kaaga sii daranee garoon dhan ayuu u dhisay si dhacdadaasi loogu qabto, wuxuuna boqorkii Pop-ka ee Michael Jackson u gacan galiyay 12.5 milyan.

e7

Laakiin waxaa laga yaabaa inaad ka walaacdo maxaa ku wata ciyaarista kubbada cagta wiil ay reerkiisu leeyihiin hantidaas oo idil.

Laakiin xiddiga Leicester City ayaa wareysi naadir ah uu bixiyay ku yiri:

“Waxaan ciyaarayay kubbada cagta tan iyo intaan wax xusuusan karo, laga soo bilaabo yaraanteedii waxaan had iyo jeer ku raaxeysan jiray inaan garoonka aado aana cagaheyga ku hayo kubbada.

“Waalidiinteeda markasta way i taageeri jireen, iyagoo iga caawinaya inaan gaaro riyooyinkeyga inaan noqdo laacib kubbada cagta ah.

“Caruurnimadeydii si adag ayay ii tababareen nafsad ahaan iyo jir ahaanba, sidaa darteed waa inaan iraahdo waalidiinteeda ayaa ah kuwaan ku daydo.”

SAWIRRO DHEERI AH:

www

e8

e99

e9

e6

e5

e4

e3

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close