Guardiola oo shaaca ka qaaday mudada uu garoomada ka maqnaanayo Gabriel Jesus

(Manchester) 27 Sebt 2020. Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday mudada uu maqnaanayo weeraryahankooda reer Brazil ee Gabriel Jesus.

Pep Guardiola ayaa sheegay in Gabriel Jesus uu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan hal bil sababo la xiriira dhaawac muruqa ah ee soo gaaray.

Manchester City ayaa hadda ay ka maqnaan doonaan labadeeda weeraryahan ee ugu muhiimsan, iyadoo Sergio Aguero uu weli dhaawac ku maqan yahay.

Guardiola kaliya wuxuu hadda heystaa weeraryahano da’ayar ah si ay u caawiyaan, waxaana wareysi uu bixiyay macalinka reer Spain ku sheegay:

“Gabriel Jesus wuxuu dhaawac ka soo gaaray kulankii Wolverhampton, sidaas darteed wuxuu maqnaan doonaa muddo bil ah”.

“Waa dhibaato dhanka muruqa ah, waxaan weynay Sergio Aguero, waxaana sidoo kale weynay Gabriel Jesus” ayuu yiri Pep Guardiola.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close