Barcelona oo xaaqday kooxda Villarreal oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou… +SAWIRRO

(Barcelona) 27 Sebt 2020. Barcelona ayaa xaaqday kooxda Villarreal oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 4-0, xilli Blaugrana ay gacanta ku dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horeysay horyaalka La Liga ee kal ciyaareedkan cusub 2020/21.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 4-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 15-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Ansu Fati, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jordi Alba.

19 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd Barcelona ayaa la timid gool labaad waxaana dheesha 2-0 ka dhigay Ansu Fati, xilli caawinta goolkan uu lahaa Philippe Coutinho.

Daqiiqadii 35-aad Barcelona ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Lionel Messi, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 3-0 ay ku hoggaamineysay Barca.

45 daqiiqo marka ay dheeshu aheyd Barcelona ayaa sii dheereysatay hoggaanka ciyaarta kaddib markii uu gool iska dhaliyay xiddiga kooxda Villarreal, waxayna dheesha sidaas ku noqotay 4-0.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 4-0 ay kaga adkaatay Barcelona kooxda Villarreal oo marti ugu aheyd garoonka Camp Nou, Blaugrana ayaana sidaas gacanta ugu dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horeysay horyaalka La Liga ee kal ciyaareedkan cusub 2020/21.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close