Real Madrid oo guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Real Betis… +SAWIRRO

(Spain) 26 Sebt 2020. Real Madrid ayaa guul dirqi ah ka soo gaartay kooxda Real Betis oo ay ku booqatay garoonkeeda Estadio Benito Villamarin, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 2-3.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Betis.

Daqiiqadii 14-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Federico Valverde, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Karim Benzema.

Laakiin daqiiqadii 35-aad Real Betis ayaa la timid goolka barbardhaca waxaa dheesha 1-1 ka dhigay Aissa Mandi, waxana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Sergio Canales.

Daqiiqadii 37-aad kooxda Real Betis ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 2-1 ka dhigay William Carvalho, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Nabil Fekir.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad kooxda Real Madrid ayaa heshay goolka barbardhaca kaddib markii uu gool iska dhaliyay laacibka naadiga Real Betis ee Emerson.

82 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Real Madrid ayaa loo dhigay rigoore, waxaana gool u badelay kabtankooda Sergio Ramos.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-3 ay kaga soo adkaatay Real Madrid kooxda Real Betis oo ay ku booqatay garoonkeeda Estadio Benito Villamarin.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close