Man United, Chelsea, Real Madrid, Inter, Borussia Dortmund & Guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaarayo horyaallada waa weyn ee Yurub

(Yurub) 26 Sebt 2020. Kulamo ka tirsan horyaallada waa weyn qaaradda Yurub ayaa maanta iyo caawa la ciyaari doonaa, waxaana ka mid ah Premier League, La Liga, Serie A iyo Bundesliga dalka Jarmalka.

Kooxaha Manchester United, Chelsea, Real Madrid, Inter Milan iyo Borussia Dortmund ayaa ka mid ah kooxaha waa weyn ee maanta illaa caawa dheeli doona horyaalladooda.

Horyaalka Premier League labada kulan ee ugu waa weyn waxaa dheeli doona Man United iyo Chelsea, Red Devils ayaa booqanaysa Brighton, halka Blues ay u safreyso West Brom.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa ciyaari doonta horyaalka Spain iyadoo Los Blancos ay baadi goob ugu jirto caawa inay hesho guusheedii ugu horreysay fasal ciyaareedkan ee horyaalka La Liga marka ay booqanayso Real Betis, waxaana kooxda uu hoggaamiyo macallin Zidane ay horyaalka ku daah-furteen fasalkan barbaro goolal la’aan ah.

Kulan ugu weyn horyaalka Serie A waxa uu caawa garoonka San Siro ku dhexmari doonaa Kooxaha Inter Milan iyo Fiorentina, halka horyaalka Bundesliga dalka Jarmalka ay Borussia Dortmund booqan doonto Augsburg.

Haddaba Halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada maanta iyo caawa laga ciyaari doono guud ahaan horyaallada waa weyn ee qaaradda Yurub:-

ENGLAND – PREMIER LEAGUE

02:30 Duhurnimo Brighton & Hove Albion vs Manchester United

5:00 Galabnimo Crystal Palace vs Everton

7:30 Fiidnimo West Bromwich Albion vs Chelsea

10:00 Habeennimo Burnley vs Southampton

SPAIN – LALIGA SANTANDER

2:00 Duhurnimo Deportivo Alaves vs Getafe

5:00 Galabnimo Valencia vs SD Huesca

7:30 Fiidnimo Elche vs Real Sociedad

10:00 Habeennimo Real Betis vs Real Madrid

ITALY – SERIE A

04:00 Galabnimo Torino vs Atalanta

7:00 Fiidnimo Cagliari vs Lazio

7:00 Fiidnimo Sampdoria vs Benevento

09:45 Habeennimo Inter vs Fiorentina

GERMANY – BUNDESLIGA

04:30 Galabnimo Arminia Bielefeld vs FC Koeln

04:30 Galabnimo Augsburg vs Borussia Dortmund

04:30 Galabnimo Bayer Leverkusen vs RasenBallsport Leipzig

04:30 Galabnimo Borussia Moenchengladbach vs Union Berlin

04:30 Galabnimo Mainz 05 vs VfB Stuttgart

07:30 Fiidnimo Schalke 04 vs Werder Bremen

FRANCE – LIGUE 1

06:00 Maqribnimo Saint-Etienne vs Rennes

10:00 Habeennimo Marseille vs Metz

FG: Dhammaan saacadaha aan kor ku soo sheegnay waa xilliga geeska Afrika ama saacadda Soomaaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close