RASMI: Tababare Zinedine Zidane oo shaaciyey liiska 22-ka ciyaaryahan ee Real Madrid uu kala qeyb galayo kulanka Real Betis

(Madrid) 25 Sebt 2020. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa shaaciyay liiska 22 ka ciyaartoy ee uu ku shaqayn doono kulanka adag ee Real Betis.

Zinedine Zidane liiska uu magacaabay xiddigihiisa Real Madrid uu ula safrayo Magaalada Seville si ay Sabtida ula soo ciyaaraan Real Betis waxaa ka soo muuqday Isco iyo Lucas Vazquez.

Labadaan ciyaaryahan ayaa dhaawacyo ku seegay kulankii dhowaa ee ay Los Blancos barbaro 0-0 la gashay Real Sociedad.

Dhinaca kale waxaa liiskan 22-ka ciyaaryahan laga waayey Marco Asensio iyo Eden Hazard, xiddiga reer Belgium ayaana xaalad xun ku bilaabanaya xilli ciyaareedkiisii labaad.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ay kala qeyb galayso kulanka Real Betis:-

Goolhayeyaasha: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Daafacyada: Dani Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Nacho Fernandez, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy.

Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Martin Odegaard, Isco.

Weerarka: Karim Benzema, Borja Mayoral, Lucas Vazquez, Luka Jovic, Vinicius Junior, Rodrygo Goes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close