RASMI: Luis Suarez oo ka gudbay tijaabada caafimaad ee uu u maray Kooxda Atletico Madrid… + SAWIRRO

(Madrid) 25 Sebt 2020. Luis Suarez ayaa ku baasay baaritaankii caafimaad ee uu u maray Kooxdiisa cusub ee Atletico Madrid goordhow isagoo heshiiska cusub u saxiixaya Los Rojiblancos.

Ka hor inta uusan u bixin tababarka, isla markaana la kulmin asxaabtiisa cusub markii ugu horeysay, ciyaaryahanka reer Uruguay ayaa istaagi doona garoonka Estadio Wanda Metropolitano halkaasoo si rasmi ah loogu soo bandhigi doono inuu yahay ciyaaryahan Atletico ah.

Duruufaha jira ee Korona Fayras awgood, dhacdada oo dhami waxa ay noqon doontaa mid qallafsan.

Luis Suarez passes medical at Atletico Madrid| All Football

Intaa kaddib, Suarez wuxuu aadi doonaa xarunta tababarka kooxda, wuxuuna bilaabi doonaa inuu u diyaar garoobo kulaka furitaanka kooxdiisa Atletico ee horyaalka LaLiga Santander, kaasoo gurigooda ay ku soo dhoweynayaa kooxda Granada galabnimada Axadda.

Luis Suarez passes medical at Atletico Madrid| All Football

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close