Man United oo isku diyaarineysa inay gudbiso dalabkeedii ugu dambeeyay ay ku dooneyso Jadon Sancho

(Manchester) 25 Sebt 2020. Wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa soo wariyay in Manchester United ay sameyn doonto isku daygii ugu dambeeyay, iyadoo rajeyneysa inay la soo saxiixato xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho, inta lagu gudi jiro suuqan kala iibsiga ee xagaaga.

Magaca Jadon Sancho oo 20 jir ah ayaa lala xiriiriyay inuu ka tagay Borussia Dortmund xagaagan, isla markaana uu ku biirayo kooxda Manchester United, maadaama loo arko inuu yahay bar-tilmaameedka ugu muhiimsan ee Red Devils.

Wargeyska “Daily Star” ayaa tilmaamay in kastoo kooxda Borussia Dortmund ay diiday inay iibiso xagaagan xiddiggeeda Jadon Sancho, balse Manchester United ayaa isku diyaareneysa inay ka gudbiso dalabkeeda ugu dambeeyay.

Wargeyska ayaa sheegay in Manchester United ay u soo bandhigi doonto kooxda Borussia Dortmund lacag dhan 90 million pounds, si ay u ogolaato heshiiska uu Jadon Sancho ugu biirayo Red Devils.

Waxaa xusid mudan in qandaraaska Jadon Sancho ee kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund uu dhacayo xagaaga 2023.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close