Luis Suarez oo gaaray Magaalada Madrid si uu u dhammaystiro ku biiristiisa Kooxda Atletico Madrid… (Miyuu ciyaari doonaa kulanka Axadda?)

(Madrid) 25 Sebt 2020. Weeraryahankii hore ee kooxda Barcelona Luis Suarez ayaa maanta gaaray Magaalada Madrid ee caasimadda dalka Spain si uu u dhammaystiro ku biiristiisa kooxda Atletico Madrid.

Luis Suarez ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Madrid ee Barajas Airport maanta oo Jimce ah si uu tijaabada caafimaad u maro isla markaana ay u soo bandhigto kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Atletico Madrid.

Xiddiga xulka qaranka Uruguay ayaa saaxiibadiisa kooxda Barcelona macsalaameeyey Khamiistii kaddib markii labada kooxood ay heshiis wada gaareen habeenkii Arbacada, waxaana la sheegay inuu ku faraxsan yahay rajada ah inuu ka hoos ciyaaro tababaraha weyn ee Diego Simeone.

Suarez ayaa bedel u noqon doona Alvaro Morata oo ka tagay kooxda Atletico, waxaana xiddiga reer Spain uu u dhaqaaqay Talaadadii naadiga Juventus ee dalka Talyaaniga.

Haddii uu ka gudbo tijaabada caafimaadka, Suarez waxaa la rajaynayaa inuu tababarka la qaato saaxiibadiisa ka hor kulanka ay wajahayaan Granada, waxaana haddii wax walba ay u dhacaan sida loo qorsheeyey uu Suarez xitaa kulankiisii ugu horreeyey ee kooxda tababare Simeone safan karaa Axadda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close