RASMI: Zlatan Ibrahimović oo laga halay Korona Fayras

(Milano) 24 Sebt 2020. Ciyaaryahanka kooxda AC Milan ee Zlatan Ibrahimović ayaa la xaqiijiyey inuu haleelay caabuqa saf mareenka ah ee Korona Fayras.

Bayaan ka soo baxay kooxda oo lagu daabacay Website-ka rasmiga ah ee kooxda ayay AC Milan shaaca ka qaaday in Zlatan Ibrahimović laga helay KOFID 19 kaddib wareeggii labaad ee baaritaanka suufka ka hor kulanka isreeb-reebka UEL ee caawa ay la leeyihiin Bodø/Glimt.

Naadiga ayaa ku wargaliyay hay’adaha ay khuseyso, ciyaaryahanka ayaana si dhaqso leh loogu karantiilay gurigiisa, dhammaan xubnaha kale ee kooxda iyo shaqaaluhuba waa ay mareen tijaabada waana laga waayey Korona Fayras.

Natiijo ahaan, waxaa la filayaa in weeraryahanka da’da yar ee Lorenzo Colombo uu hoggaamin doono safka Rossoneri ee ay la ciyaarayaan kooxda reer Norway, iyadoo Pioli uusan awoodin inuu u yeero Ante Rebic oo ganaax ku maqan ama Rafael Leao kaasoo aan weli soo laaban oo aan taam ahayn kaddib markii uu laftiisu ka soo kabsaday KOFID 19.

Dhinaca kale Alessio Romagnoli, Mateo Musacchio, Leo Duarte iyo Andrea Conti ayaa sidoo kale dhammaantood maqan, taasoo la micno ah in Pioli uu ku jiro qarow xulashadiisa ah haddii daafac uu dhaawacmo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close