RASMI: Barcelona oo shaacisay in Luis Suarez uu u wareegay kooxda Atletico Madrid

(Spain) 24 Sebt 2020. Barcelona ayaa si rasmi ah ugu shaacisay website-keeda bixitaanka weerar yahanka reer Uruguay ee Luis Suarez, kaasoo u wareegay kooxda Atletico Madrid.

Dhinaca kale Atletico Madrid ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah Barcelona ugala soo wareegtay Luis Suarez oo ay kusoo qaadatay heshiis xor ah oo ay la socdaan lix million euros, oo ku xirnaan doona  wax qabadkiisa naadiga Atletico.

Bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay kooxda Barcelona ayaa lagu yiri:

“Barcelona iyo Atletico Madrid waxay ka heshiiyeen saxiixa Luis Suarez, kooxda Madrid ka dhisan ayaa bixin doonta 6 million euros, oo ay ku bixin doonto siyaabo kala duwan”.

“Barcelona waxay u mahadcelineysaa Luis Suarez dadaalkii uu bixiyay, waxayna u rajeyneysaa guul mustaqbalka”.

Barcelona waxay tilmaamtay inay xaflad sagootin ah iyo shir jaraa’id u qaban doonto Luis Suarez maanta oo Khamiis ah, saacaddu markay tahay 12:30 pm, waqtiga Spain.

Weeraryahanka reer Uruguay ayaa sannadkii mushahar ahaan uga qaadan doona kooxda Atletico Madrid qiimo dhan 9 million euros, oo ka baxsan lacagaha canshuurta.

Si kastaba ha noqotee, Suarez ayaa ku soo biiray kooxda Barcelona xagaagii 2014, isagoo ka yimid Liverpool, wuxuuna kula guuleystay 13 koob, lixdii sano ee uu la joogay kooxda reer Catalonia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close