Kooxda Bayern Munich oo ku guuleystay koobka UEFA Super Cup kaddib markii ay garaacday Sevilla… +SAWIRRO

(Yurub) 25 Sebt 2020. Kooxda Bayern Munich ayaa ku guuleystay koobka UEFA Super Cup kaddib markii ay ku garaacday naadiga reer Spain ee Sevilla 2-1, ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Puskas Arena ee wadanka Hungary

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbardhac 1-1 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Bayern Munich iyo Sevilla.

Daqiiqadii 13-aad kooxda Sevilla ayaa heshay rogoore waxaana gool u badelay laacibooda Lucas Ocampos, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 0-1 ay ku hoggaaminesay kooxda reer Spain.

Laakiin daqiiqadii 34-aad kooxda Bayern Munich ayaa la tamid goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Leon Goretzka, kaddib markii uu si qurux badan kaga caawiyay goolkan saaxiibkiis Robert Lewandowski.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbardhac 1-1 ah, waxaana ciyaarta lagu daray waqti dheeri oo 30 daqiiqo ah.

Daqiiqadii 104-aad Bayern Munich ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 2-1 ka dhigay Lucas Hernandez.

Ugu dambeyntiina ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay ku adkaatay kooxda Bayern Munich, naadiga reer Germany ayaana kaga guuleystay dhigooda reer Spain ee Sevilla, koobka UEFA Super Cup.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close