RASMI: Wolves oo la saxiixatay xiddigii kooxda Barcelona ee Nélson Semedo

(Wolverhampton) 23 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Wolves ee ka dheesha horyaalka Premier League ee dalka England ayaa la saxiixatay ciyaaryahankii naadiga Barcelona Nélson Semedo.

Barcelona iyo Wolverhampton Wanderers ayaa heshiis ka gaartay iibka ciyaaryahan Nélson Semedo, Kooxda reer England ayaana bixin doonta 30 milyan oo euro oo lagu daray 10 dheeri ah oo ku xirnaan doona bandhiggiisa.

Nelson Semedo ayaa ka tagay Kooxda Barca kaddib saddex sanadood oo uu ku qaatay, waxaana uu Blaugrana uga soo biiray Benfica xagaagii 2017-kii, isagoo markas noqday ciyaaryahankii sagaalaad ee Portuguese ah oo ka mid noqda taariikhda kooxda Barcelona.

Tan iyo waqtigaas Semedo waxa uu saftay in ka badan 122 kulan, waxaana kulammada ka mid ah 82 kulan oo uu saftay La Liga, 23 oo uu ciyaaray Champions League, 16 kulan oo uu dheelay Copa del Rey iyo labo kulan oo uu saftay Spanish Super Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close