Liverpool oo qorsheeneysa in Real Madrid ay kula dagaalanto saxiixa Kylian Mbappé

(Liverpool) 22 Sebt 2020. Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa soo wariyay in Liverpool ay qorsheyneyso inay qandaraas la gasho xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé, inta lagu guda jiro suuqan kala iibsiga ee xagaaga.

Kylian Mbappé ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo safka Paris Saint-Germain xagaaga soo aadan, iyadoo lala xiriirinayo in Real Madrid ay xiiseyneyso inay la saxiixato.

Wargeyska ayaa tilmaamay in Real Madrid ay qorsheyneysay inay lasoo saxiixato Kylian Mbappé xagaaga 2021 ku dhowaad mudo laga joogo labo xilli ciyaareed, iyadoo ay wargeysyada Spain ay si joogta ah uga hadlayeen arrintan.

Laakiin waxa ay u muuqataa in Real Madrid aysan si fudud ula saxiixan doonin Kylian Mbappé, kaddib markii ay Liverpool si xoogan ku soo gashay heshiiska, iyada oo kooxda reer England ay bilowday in ay la xiriirto xiddiga reer France, si ay ugala hadasho suurtagalnimada uu ugu soo biiri karo xagaaga 2021.

Liverpool and Real Madrid in regular contact with Kylian Mbappe over mega  2021 transfer | Football | Sport | Express.co.uk

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in Liverpool ay iska iibin doonto midkood xiddigaha Maxamed Saalax iyo Sadio Mane, si ay ula saxiixato Kylian Mbappé, waxayna u muuqataa in xiddiga reer Senegal uu noqon doono midka ugu dhow inuu baxo.

Wargeyska ayaa tilmaamay in Real Madrid ay aad u xiiseyneyso inay la saxiixato Sadio Mane, sidaas darteed ay suurtogal tahay in Los Blancos ay la saxiixato xagaaga, isla markaana ay albaabka ugu furto Liverpool si ay ugu guuleysato, saxiixa xiddiga reer France ee Kylian Mbappé.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close