Kooxda Manchester United oo bilowday wadahadal ku aaddan saxiixa mid ka mid ah xiddigaha Barcelona

(Manchester) 22 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay bilowday wadahadal ku aaddan saxixia xiddiga Naadiga Barcelona ee Dembele.

Wargeyska Daily Record ayaa warinaya in Manchester United ay bilowday wadahadallo ku aaddan saxiixa Ousmane Dembele oo ay doonayaan inay kala soo wareegaan Barcelona.

Red Devils ayaa rabta inay xiddigan reer France kula soo wareegto heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah, laakiin Blaugrana waxay aqbali doontaa oo keliya wareejinta, haddii ay waajib ku tahay in lagu daro inay iibsato.

Barcelona ayaa doonaysa inay Dembele ka saarto buugaagtooda si joogto ah, waxayna haatan ku qiimeeyaan ciyaaryahanka garabka ka ciyaara adduun dhan 100 milyan oo euro oo u dhiganta 92 milyan oo gini ama 118 milyan oo dollar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close