DEG DEG: Kooxda Atletico Madrid oo xaqiijisay in Korona Fayras uu ku dhacay mid ka mid ah xiddigihii uu sida weyn u doonayey Pep Guardiola

(Madrid) 22 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee dalka Spain ka dhisan ayaa xaqiijisay in ciyaaryahankeeda Jose Gimenez uu ku dhacay caabuqa Korona Fayras, waxaana la joojiyey tababarkii ay kooxdu sameyn lahayn maanta.

Tallaabadan lagu joojinayo tababarka Talaadada maanta ah ayaa si adag looga taxaddaray, maadaama ay naadigu u hoggaansameen borotokoollada amniga ee caabuqan KOFID 19.

Ciyaaryahan daafaca ka ciyaara ayaa waxaa waxaa si weyn u doonayey saxiixiisa Tababaraha Kooxda Manchester City ee Pep Guardiola.

Tababaraha Kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa isna dhowaan laga helay Korona Fayras.

Jose Maria Gimenez, Atletico Madrid Agree 5-Year Contract Through 2023 |  Bleacher Report | Latest News, Videos and Highlights

Si la mid ah Simeone, xiddigaha kale ee kooxda, Renan Lodi, Angel Correa, Simo Vrsaljko, Diego Costa iyo Santiago Arias ayaa dhammaantood laga helay KOFID 19 bilihii la soo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close