RASMI: Ivan Rakitic oo ka fariistay xulkiisa qaranka Croatia

(Zagreb) 21 Sebt 2020. Ciyaaryahan Ivan Rakitic ayaa isaga fariisatay ciyaaraha heerka caalami ee xulkiisa qaranka Croatia.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Barcelona ayaa la shaaciyey maanta inuu iska diibay Kabaha xulkiisa qaranka Croatia.

Dhinaca kale xulka qaranka Croatia ayaa xaqiijiyey inuu fariistay ciyaaryahankan khadka dhexe, waxaana ay bartooda Twitter-ka ku soo qoreen: “Kaddib 106 kulan iyo 15 gool oo uu u sameeyey Croatia, Ivan Rakitic ayaa macsalaameeyey xulka qaranka.”

“Raketa waad ku mahadsan tahay wax walba”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close