Muxuu ka yiri Klopp kadib guushii ay kooxdiisa Liverpool ka gaartay Chelsea??

(Liverpool) 21 Sebt 2020. Tababaraha Liverpool Jürgen Klopp ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisu gaartay kulankii xalay ee horyaalka Premier League.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa sii wadata guulaheeda xiriirka ah ee horyaalka, waxaana ay ku garaacday Chelsea oo laga qaatay kaarka cas 0-2, taasoo ku ciyaaraysay 10 ciyaaryahan, waxaana goolasha Reds u dhaliyay Sadio Mane.

Jürgen Klopp ayaa wareysi uu bixiyay kaddib ciyaarta wuxuu yiri:

“Aad ayaan u faraxsanahay, waxaan la dhacsanahay waxqabadka cajiibka ah ee kulankan”.

“Waxaan la dhacay qaabka cadaadiska iyo orodka, waxaas oo dhan iyo Iyadoo aan loo eegin goolasha, waxaan jecleystay ciyaarta oo dhan”.

“Qeybtii hore waxay ahayd mid cajiib ah, gaar ahaan koox sida Chelsea oo kale ah oo gurigooda joogta, laakiin qeybtii labaad waxay ahayd ciyaarta mid ka duwan sidii hore kaddib kaarka cas”.

“Waxaan soo galinay Thiago Alcântara sababa la xiriira xaalada ciyaarta, runtii wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican, wuxuuna sameeyay baasas aad u fiican”.

“Waa nala dhaleeceeyay kaddib markii ay Leeds United naga dhalisay saddex gool, laakiin waxa jira rajo iyo xaqiiqooyin, waa inaad daawataa ciyaarta iyo garsooraha” ayuu yiri tababare Jürgen Klopp.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close