Jamie Carragher oo ka aragti dhiibtay qaladaadka Kepa Arrizabalaga ee kooxda Chelsea

(England) 21 Sebt 2020. Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa muujiyay dareenkiisa ku aadan goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga, kaasoo qaladaadkiisii ​​musiibada ahaa ka sii wado naadiga Chelsea.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa sii wadata guulaheeda xiriirka ah ee horyaalka, waxaana ay ku garaacday Chelsea oo laga qaatay kaarka cas 0-2, taasoo ku ciyaaraysay 10 ciyaaryahan, waxaana goolasha Reds u dhaliyay Sadio Mane.

Wargeyska “Daily Mail” ayaa daabacay hadalada Jamie Carragher kaddib markii uu ka aragti dhiibtay goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga, wuxuuna yiri:

“Ciyaaryahan ahaan, waxaad galeysaa waqtiyo adag, Kepa-na wuxuu hada marayaa mid ka mid ah daqiiqadahaas”.

“Waxaad dareemeysaa heer aad isaga u qoomameyso, wuxuu ku nool yahay daqiiqado sida riyo xun ah”.

Waxaa lagu soo waramayaa in Chelsea ay ku dhowdahay inay si rasmi ah u shaaciso heshiiska goolhaayaha kooxda Rennais ee Edouard Mendy, waxayna wararku tilmaamayaan in heshiiska marhore la soo gabagabeeyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close