DEG DEG: Manchester City oo xaqiijisay in mid ka mid ah xiddigaheeda laga helay Korona Fayras

(Manchester) 21 Sebt 2020. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xaqiijisay goordhow in mid ka mid ah xiddigaheeda laga helay caabuqa saf-mareenka ah ee Korona Fayras.

Laacibka khadka dhexe ee Kooxda Manchester City, Ilkay Gundogan ayuu ku dhacay KOFID 19.

Ilkay waxa uu hadda ilaalinayaa 10 maalmood oo gooni isu-taag ah, isla markaana uu meel gooni ah geli doono, iyadoo la raacayo borotokoolka Premier League iyo Boqortooyada Ingiriiska ee karantiilka.

Coronavirus: Manchester City's Ilkay Gundogan tests positive | Football News | Sky Sports

Bayaan ka soo baxay Kooxda Manchester City ayaa u dhignaa: “Ilkay wuxuu hadda galayaa 10 maalmood karaantiil ah si waafaqsan nidaamka Premier League iyo Dawladda Ingiriiska u dejiyeen xakamaynta Korona Fayras, qof kasta oo kooxda ka tirsan, wuxuu Ilkay u rajaynayaa inuu si deg deg ah uga bogsado.”

Manchester City ayaa kulankeeda ugu horreeya ee furitaanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan waxa ay la ciyaari doontaa Kooxda Wolverhampton Wanderers.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close