Arturo Vidal oo gaaray dalka Talyaaniga isagoo ku dhow inuu dhammaystiro ku biiristiisa Kooxda Inter

(Milan) 21 Sebt 2020. Arturo Vidal ayaa gaaray Waddanka Talyaaniga, isagoo qarka u saaran inuu dhammaystiro ku biiristiisa kooxda Inter Milan.

Vidal heshiiskiisa Kooxda Barcelona waxaa kaga harsan hal sano, laakiin kooxda reer spain ayaa la warinayaa inay ogolaatay inay iska fasaxdo xiddigan.

Sida ay soo warinayso Football Italia laacibkan khadka dhexe ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee Linate Airport, kaasoo ku yaala Magaalada Milan, waxaana halkaas ku soo dhoweeyay taageerayaasha Inter iyo warbaahinta.

Vidal ayaa labo xilli ciyaareed ku qaatay kooxda Barcelona tan iyo markii uu kaga soo biiray Bayern Munich sanadkii 2018.

Intii lagu guda jiray waqtigiisa Barcelona, waxa uu kooxda gobolka Catalonia u saftay Vidal 96 kulan, waxaana uu u dhaliyey todobo gool.

Waxa uu kula guuleystay horyaalka La Liga Spain kal ciyaareedkii 2018-19, halka sidoo kale uu kula guuleystay Koobka Supercopa de Espana sanadkii 2018.

Inter Milan ayaa bilaabi doonta xilli ciyaareedkeeda cusub ee Serie A Sabtida soo aaddan, markaasoo ay marti gelinayaan Naadiga Fiorentina.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close