Muxuu ka yiri Gareth Bale kaddib markii uu ku soo laabtay kooxda Tottenham??

(London) 20 Sebt 2020. Xiddiga reer Wales Gareth Bale ayaa xaqiijiyay kaddib markii uu ku laabtay kooxda Tottenham Hotspur, inuu had iyo jeer ku fikirayay inuu mar uun dib ugu laabto Spurs-ka.

Kooxda Tottenham ayaa xalay si rasmi ah u shaacisay inay soo ceshatay xiddigeedii hore reer Weles ee Gareth Bale, kaasoo kaga soo dhaqaaqay naadiga Real Madrid, heshiis hal xilli ciyaareed oo amaah ah.

Gareth Bale ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakda rasmiga ah ee kooxda Tottenham Hotspur, wuxuu kaga hadlay dareenkiisa, wuxuuna yiri:

“Waa wax weyn inaan ku soo laabto kooxda, Tottenham waa koox ii gaar ah aniga, waxay sameysay magacayga, waana arrin la yaab leh inaan markale ku soo laabto”.

“Waxaan rajeynayaa inaan si dhakhso leh u soo kabsado, si aan u caawiyo kooxda isla markaana aan ugu guuleysto koobab”.

“Tan iyo markii aan ka soo tagay Tottenham, marwalba waxaan ku fikiray inaan dib ugu laabto mar kale, waana ku faraxsanahay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close